Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirro, saraakiil iyo masuuliyiin kulan saacado qaatay ku yeeshay Stadium Muqdisho (Sawirro)

Kulan ku saabsan u diyaar garowga iyo isku dabaridka dabaal-daga munaasabadda xuska kowda Luuliyo ayaa waxa uu ka qabsoomay garoonka Stadium Muqdisho oo ah goobta rasmiga ah ee loo asteeyay in uu ka dhaco xuska maalinta qiimaha badan ee munaasabada 1-da Luuliyo.

Kulankani oo ahaa mid waqti badan qaatay ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddiga heer qaran iyo heer gobol ee isku dabaridka munaasabadda maalmaha Xorriyadda, taliyayaasha ciidamada qalabka sida iyo bahda Ciyaaraha Dalka.

Guddoomiyaha guddiga u diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda mudane Ahmed Cali Fiqi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay madaxdii iyo saraakiishii kulankan ku sugneyd in si daahfuran loo maareeyo munaasabada dabaaldaga maalinta weyn ee 1-da Luuliyo iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo ka qeyb galka munaasabadaasi.

Related posts

Labo qof oo goor dhow lagu dilay Belad-weyne iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Xildhibaan Soomaali Canadian ah oo si adag uga hor yimid Soomaalida laga taxiilayo Canada

Cabdi Cade

Sharci Dajiyaan ahay hadana ma ogoli in Sharci lagu dhaqmo !!

admin