Allbanaadir.com
NEWS

Dhismaha hal Dabaq oo ay ku nool yihiin dad ka badan 20,000 kun oo qof (Sawirro)

Dhismaha Regent International oo ku yaalla nagaalada Hangzhou, dalka Shiinaha wuxuu qaadi karaa inta ku nool degmo oo dhan 20,000, waana dabaq layaab leh oo dad aad u tiro badan ku dhax nool yihiin

Bartamaha Qianjiang Century ayuu dhacaa dabaqan, waxaana markiisii hore loo dhisay hoteel lagu raaxaysto, laakiin markii dambe wuxuu isku beddelay guryo laga kireeyo dadka caadiga ah waxaana uu ka kooban yahay in ka badan kun qolal isku go’go’an. Wuxuu dheer yahay  206 mitir, waxaana uu ka kooban yahay 36 ilaa 39 faloor ama lakab. Qaarkood waxaa loo qaabeeyey ganacsi ahaan, balse intiisa badan waa guryo la degan yahay.

Wuxuuna leeyahay barkado lagu dabaasho iyo dukaamo laga iibsado adeegyada fudud, tima-jarayaal, internet cafe iyo wixii soo raaca. Wax walba oo ugu yaraan aad u baahan tahay waad ka dhex heleysaa dabaqan. Sidaas darteed, uma baahnid inaad bannaanka u baxdo.

Wuxuu ku fadhiyaa wareeg dhan 260,000 oo mitir waana mid kamid ah kuwo ugu waaweyn dhismayaasha Shiinaha. Dadka ku nool waxay u dhaxeeyaan 11,000 ilaa 22,000 oo qofood.

Muuqaallada dhismahan oo ku baahay baraha Shiinaha iyo caalamka ayaa laga bixiyay aragtiyo kala duwan. Dadka qaar ayaa sheegay inay kusoo koreen degmooyin dadka ku jira dhismahan aysan joogin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha la doortay ee Puntland oo Madaxtooyada ku booqday Cabdiweli Gaas (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dastuurkii la xaday oo ku jira Qodob sheegaya in Muqdisho Caasimad aheyn (Akhriso Cadeymo)

Cabdi Cade

Iran oo markii ugu horeesay qiratay in Diyaarado siisay Ruushka iskana fogeysay in ay…

Cabdi Cade