Allbanaadir.com
NEWS

Nin Carab ah oo gubay nuqul kamid ah Kitaabka Qur’aanka xilli booliis ilaalinayeen

Salman Momika oo ah Kirishtaan 37 jir ah, kuna nool dalka Sweden ayaa waxa uu shalay oo ahayd Maalintii Koowaad ee Ciiddul-Adxa uu Nuqul ka mid ah Masxafka Qur’aanka Kariimka ku gubay Barxadda Masjidka Jaamaca ugu weyn ee ku yaalla Caasimadda dalka Sweden ee Stockholm.

Ninkaasi Kirishtaan ah waxa la sheegay inuu dhowr sano ka hor ka soo qaxay dalkiisa Hooyo, iyadoo Falka uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka sameeyey, xilli ay Ilaalo ka hayeen Askar ka tirsan Boliska dalkaasi.

Muuqaalo la soo dhigay Baraha Bulshada ayaa waxaa laga dheehday Askarta oo Is-hortaagtay Dhallinyaro Muslimiin ah oo doonayey inay ka hortagaan Falka lagu gubi lahaa Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Muuqaallada waxaa kaloo laga arkayey Salwan Momika oo ku xad-gubayo Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka iyo isagoo gubayo dhowr Baal oo ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Ninkaasi waxa kale oo uu Kitaabka Qur’aanka Kariimka dhex geliyey Hilibka Qaansiirka ama Doofaarka oo xaaraan ka ah dadka Islaamka.

Si kastaba, Muslimiinta Caalamka waxay aad uga caroodeen Xadgudubkaasi, waxayna si kulul u cambaareeyeen falkii lagu gubay Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka

Ma aha markii ugu horeysay ee Nuqul ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka lagu gubo dalka Sweden iyo dalalka Reer Galbeedka.

 

W.Q Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble oo saacadaha soo socda ku wajahan Magaalo kale oo ka tirsan Jubbaland

Caydiid Ali

(Sawirro) Wasiir Huruse oo aqoonsiga danjirenimo ka gudoomay Mr. Nithavrianakis

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo ka badbaaday qorshe la damacsanaa in lagu sumeeyo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---