Xilli ay Dowladda Maraykanka saartay Raashiya Cunaqabatayn dhanka Diyaaradaha Ganacsiga ayaa waxay haatan oggolaadeen inay Dowladda Raashiya soo diraan Diyaarad khaas ah oo lagu daad-gureeyo Diblomaasiyiinta Raashiyaanka ee uu ka dhacay xilli-hawleedkii ay u joogeen dalkaasi.
Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Matthew Miller oo xalay la hadlay Suxufiyiinta ayaa shaaciyey Oggolaanshahaasi, si ay Dowladda Raashiya u soo dirto Diyaarad la soo kireeyey (A charter flight), si loogu daabulo Dibloomaasiyiinta Raashiyaanka ee xilligii magacaabistooda shaqo ka dhamaaday.
Afhayeen Matthew Miller ma uusan shaacinin Tirada Dibloomaasiyiinta Raashiyaanka ee ku lugta leh Daad-gureyntaasi.
Dhanka kale, waxa uu ugu baaqay Dowladda Raashiya inay ballanqaadaan inay ixtiraamaan sidii ay Shaqaalaha Safaarada Maraykanka ee magaalladda Moscow u heli lahaayeen Gaadiid Furan oo Adeegooda Socdaal u fududeeya.
Dowladda Maraykanka waxay xayiraada Diyaaradaha Raashiya looga mamnuucay Hawada dalka Maraykanka ku soo rogtay, kadib, markii ay Milliteriga Raashiya duullaanka ku qabsadeen dalka Ukraine bishii February ee sanadkii hore ee 2022-kii.
Dowladda Raashiya waxay iyagana ka mamuucdeen Hawada dalkooda dhamaan Diyaaradaha Ganacsiga iyo kuwa Dagaalka ee Maraykanka.
Si kastaba, muddada uu socday Dagaalka Ukraine waxay Raashiya iyo Maraykanka yeesheen Wada-xaajood ay isku dhaafsadeen Muwaadiniin ay kala haysteen oo ku kala xirnaa Xabsiyada labadooda dal.
W/Q Ustaad Nuuradiin Abuukar