Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa salaadii Ciidul Adxaa kula tukaday Masuuliyiinta iyo Bulshada, Masjid Shuhadaa ee Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.
Munaasabadda Oogista Salaada Ciidul Adxaa waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Goleyaasha Dowladda iyo qaar ka mid ah Bulshada Caasimada Garoowe.
Deni ayaan looga baran mudadii uu xilka hayey inuu salaada ciida ku tukado masjidka Madaxtooyada , waxaana uu shacabka kula tukan jiray garoonka ciyaaraha Garowe.
Dagaaladii lagu diidanaa siyaasadihiisa la xiriira doorashada ee dhowaan ka dhacay magaalada Garowe iyo xiisada weli magaalada ka taagan ayaa sababtay in Deni uu ku dhiiran waayo inuu fagaarihii looga bartay kula tukado shacabka.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA