Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta salaada ciida boqolaal shacab iyo mas’uuliyiinta Dowladda kula dukaday Masjidka Madaxtooyada Hirshabelle ee magaalada Jowhar.
Cali Guudlaawe ayaa Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Dadka Hirshabeelle ugu hambalyeeyay farxada munaasabada Ciida Carafo isagoo Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay is caawiyaan isu naxariistaan isna garabsadaan.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Ciidamada DF iyo kuwa dib u xoreynta degaanka ee ku ciidaya furumaha hore ee dagaalka iyagoo cadowga ka xoreeyay degmooyin iyo deegaano badan oo maanta si nabad ah loogu ciidayo.