Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Wafdigii ka socday Aqalka sare oo lagu soo dhoweeyey Garoowe (Daawo Sawirro)

Guddigii Aqalka sare ee loo xilsaaray xalinta khilaafka ka dhex jira maamul goboleedyada iyo dowladda dhaxe ayaa gaaray magaalada Garowe.

Xubnahani xalinta khilaafaadka labada dhinac ayaa waxaa lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxda Puntland taasi oo qayb ka ah dadaalka dhexdhaxaadinta labada dhinac.

Magacyada xubnaha gaaray garowe waxay kala yihiin:

1-Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) “Guddoomiye”

2-Sen. Maxamuud Axmed Maxamuud (mashruuc)

3-Sen. Siciido Xasan Cusmaan

4-Sen. Xuseen Sheekh Maxamuud

5-Sen. Cusmaan Axmed Macow

6-Sen. Mustaf Maxamed Qodax

7-Sen. Bootaan Barre Samatar

8-Sen. Cabdisalaan Xaaji Max’uud Dheere

9-Sen. Farxaan Cali Xuseen

10-Sen. Hodan Maxamuud Cusmaan

11-Sen. Ayuub Ismaaciil Yuusuf

12-Sen. Shukri Adam Maxamed.

Senatar Cabdi Raxmaan Maxamad Maxamuud faroole oo ka mida xubnaha aqalka sare ayaa sheegay in masuuliyada aqalka sare ay tahay xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada.

Mr Faroole ayaa sheegay in guddiga ka socda aqalka sare ay awood u leeyihiin in ay xalliyaan khilaafka labada dhinac baaxdu doono ha lahaadee.

“Waxaan u babac dhigi karin oo dalka yaalla ma jiro,waxa nooga aadan ee uu dastuurku noo ogol yahay oo danta dalka ay ku jirto dhinac walba ha ahaatee waan u babac dhigi karnaa waana ka adagnahay”ayuu yiri Mr Faroole.

Sanatar Cabdi Raxmaan Maxamad Maxamuud faroole ayaa sidoo kale xusay in marka ay howshooda u soo dhamaato ay warbixin buuxda u gudbin doonaan aqalka sare si go’aan looga gaaro.

Dhawaan ayay ahayd markii aqalka sare ay u magacaabeen guddiga xallinta khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowladda dhaxe ayaa soo ifbaxay ka dib markii ay madaxda maamul goboleedyada oo shirk u yeeshay Kismaayo ay sheegeen in ay xiriirkii u jareen dowladda dhexe.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Daawo Sawirada: Kheyre oo soo xiray Shir Muhiim ah oo ka socday magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Daawo Sawirada :Cristiano Ronaldo oo koobka Aduunka diyaarsaday Waardiyaal gaar ah !! 

Cabdi Cade

Shaki laga muujiyay weerarkii lagu qaaday Xalane & Jabuuti oo war kasoo saartay Qilaafka Farmaajo ..…!!

admin
Taboola Ads ---