Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Qarax weyn oo ka dhacay degaanka Dhoobley iyo faahfaahino ka soo baxaya

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmada Dhoobley ee gobolka Jubada hoose qarax weyn ayaa maanta lala eegtay  ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo marayay  degaan lagu magacaabo Taabta.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Gaari xamuul ah oo ay la socdeen kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya oo ku safrayay degaanka Taabto ee duleedka degmada Dhoobley.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan  in qaraxa uu haleelay gaariga ay wateen ciidamada Kenya uuna khasaaro xoog leh ka dhashay, inkastoo illaa iyo hadda aan la ogeyn tirakoobka rasmiga ah.

Goob joogayaal degaanka ka tirsan ayaa sheegaya in qaraxa ay maqleen, isla markaana ay arkeen kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya oo qaraxa  lala eegtay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada qaraxa lala beegsaday ciidamada ka tirsan Kenya ee marayay degaanka Taabto balse aysan faahfaahin ka bixin qaraxaasi oo loo adeegsaday miino wadada lagu aasay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dagaalo kale oo goor dhow ka bilowday nawaaxiga isgoyska Km4 & Saadaq John oo..

Caydiid Ali

Faahfaahin: Masuul ku naf waayey qarax ka dhacay duledka Magaalada Jowhar

Caydiid Ali

Amaanka Muqdisho oo sii xumaanaya iyo Walaac xoogan lasoo darsay dadka Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---