Allbanaadir.com
NEWS

Diyaar garow weyn oo ka socda Magaalada Muqdisho & Suuqyada oo Mashquul ah

Iyadoo maalinta beri ah oo Arbaco ah ay ku beegan tahay Munaasabada Maalinta 1aad ee Ciidul-adxaa oo ka mid ah labada ciidood ee ay leeyihiin dadka Muslimiinta ah ayaa dadweynaha ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda intooda badan waxay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyey ee ku aadan dabaaldega maalintaasi.

Dadka inta awooda u leh waxay ku mashquulsan yihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen munaasabada ciidul adxaa, iyadoo qaar kale oo baddana aysan ka ka war heyn ciida duruufaha dhaqaale ee heysta awgood.

Dadka qaar ayaa suuqyada ka iibsanaya dhar iyo waxyaabo kale, halka kuwa kale ay isku mashquulinayaan sameynta cuntooyinka iyo macmacaanka ay ugu talo galeen ciida sida buskutka xalwada doolshaha iyo iwm, iyadoo haweenka qaarkoodna ay cilaan iyo waxyaabo kale oo la isku qurxiyo loogu sameynayo goobaha dumarka ay isku qurxiyaan ee loo yaqaano Beauty Salon-ka.

Suuqyada sida weyn looga dareemayo mashquulka ayaa waxaa ka mid ah, Bakaaraha, Xamar-weyne, suuq bacaad iyo Suuqyo kale oo ku yaala caasimada.

Dhinaca kale, waxaa sare u kac xoogan laga dareemay qiimaha la kala siisto xoolaha nool sida Ariga, Lo’da iyo Geela oo dad badan ay iibsadaan xiliyadan oo kale si ay ugu sadaqeystaan maalmaha ciida dadka kale ee walaalahood ah ee laga yaabo inaaney waxba heysan, waxaana tusaale ahaan qiimaha la siiyo neefkii ariga ah uu gaaray ku dhowaad $180 halka uu horey u ahaaa $70 ilaa 100, iyadoo dhinaca kale sanadkan xoolo kumanaan gaaraya loo dhoofiyey dhinaca dalka Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Somaliy (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin Al-Shabaab ka tirsanaa 13 sano oo isku dhiibay Ciidanka Xoogga dalka

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo labo arrin muhiim ah ka dalbatay UK in ay ka taageerto (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---