Allbanaadir.com
NEWS

Shaqaalaha kala duwan ee dowladda iyo Hay’adaha oo maalmo badan la fasaxay

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay in shaqaalaha kala duwan ee dowladda la fasaxay muddo afar maalin ah.

Fasaxan shaqaalaha dowladda la siiyay ayaa ah mid lagu maamuusayo munaasabadaha ciidul Adxaa iyo sidoo kale munaasabadda kowlada Luulyo oo ah maalintii xurnimada qaateen gobolada Koonfureed.

“Munaasabadaha isasaaran ee Ciidul Al-Adxa iyo Maalmaha Xurriyadda awgeed, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay dhammaan Hay’addaha Dowliga iyo Hay’adaha Gaarka loo leeyahay ku wargalineysaa in ay ku jiraan 4 Maalmood oo fasax ah oo ka bilaabmeysa Arbacada 28/06/2023 ilaa Sabti 1/7/2023” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

Related posts

Xildhibaan ka tirsanaa Golaha shacabka Baarlamanka Somalia oo geeriyooday

Caydiid Ali

James Ibori oo lagu amray in uu bixiyo lacag gaareysa $130 milyan oo Dollar

Cabdi Cade

War Saxaafadeed Caawa kasoo baxay Dowlada federaalka Soomaaliya (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---