Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaan Boorow oo gacanta bidix ku waayey qaraxii xalay & RW khayre oo booqday (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Shiikh Mursal ayaa Isbitaalka ku booqday xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo xalay dhaawac culus uu ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa.

Kheyre oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamanka ayaa sheegay in dowladda ay la socon doonto xaaladda Xildhibaanka.

Dhaqaatiirka Isbitaalka Digfeer oo la geeyay Xildhibaanka ayaa sheegay in xaaladiisa Caafimaad ay soo hagaageyso inkastoo xildhibaanada uu dhaawac culus qabo.

Xildhibaanka qaraxaasi ku waayay gacantiisa Bidix oo ka go’day, waxaana ku dhintay qaraxan darawalkiisa.

Qaraxan ayaa xalay ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka xili gaariga xildhibaanka uu marayey bar control oo ay joogeen ciidanka ilaalada madaxtooyada, wuxuuna qaraxan ka dhashay miino gaarigiisa loogu xiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey dagaal ka dhex qarxay ciidamada Sudan iyo kuwa Itoobiya

Caydiid Ali

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Sheekadii Muuseeye Mataara !!

Cabdi Cade

Villa Somalia oo raali gelin rasmi ah ka bixisey hadal ay dhibsatay dowlada Masar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---