Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Madaxweyne Arif Alvi (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya kula kulmay Madaxweynaha dalka Pakistan, Mudane Arif Alvi, oo isna sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka sanadkan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Pakistan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, kalluumeysiga, tamarta iyo xoolaha.

Waxaa sidoo kale Mudane Xamsa iyo Mudane Arif ay isla soo qaadeen qaabkii ay labada dhinac isaga gacan siin lahaayeen la dagaallanka argagixisada, waxaana ay isla qaateen in la diyaariyo wufuud labada dhinac oo ay kala hoggaaminayaan wasiirrada arrimaha dibedda, si loo sii ambaqaado dhaqangelinta qodobada muhiimka ah ee ay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha.

Related posts

Xildhibaano ka tirsan Hirshabelle oo lagu dilay weerar ka dhacay duleedka Balcad (Magacyada)

Caydiid Ali

Laacibiin katirsan Xulka Kubada Cagta Jabuuti oo magan gelyo weediistay Dal Yurub katirsan

Cabdi Cade

Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Kambala

Caydiid Ali
Taboola Ads ---