Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin ka tirsanaa rag Madaafiic ku weeraray garoonka Muqdisho oo la soo bandhigay (Sawirro)

Booliska Magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay nin ka mid ahaa Al-shabaab oo ka tirsanaa rag shalay madaafiic ku weeraray garoonka Aadan cadde iyo nawaaxigiisa.

Qoraal ka soo baxay Booliska ayey ku sheegeen in ninkan ay horgeyn doonaan Maxkamada si cadaalada loo waafajiyo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA

25-6-2023 abaaro 11:30 am, ayaa Khawaarijtu waxay weerar gantaalo macmal ah ku qal qal galiyeen shacabka caasimadda kuwaas oo aan wax dhibaato ah geysan.

Howlgal degdeg ah oo ay fuliyeen Ciidammada sugida amniga Caasimadda  ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen dhagarqabe hogaaminayay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday, waxa uuna magaciisa ku sheegay Xuseen Cali Deerow Buule baaris kadibna waxaa la horgeyndoonaa Maxkamada Awooda u leh.

Sidookale, ciidamadu waxay ka hortageen gantaalo rakiban oo aan wali labridin, waxaana qantaaladii lagu burburiyay goobta halka baaris ay ku socoto dhagarqabihii la soo qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Donald Trump oo lala wadaagay Codad argagax leh oo laga duubay Dilkii Jamal Khashoggi

Cabdi Cade

Ciidamo diidan muddo kororsiga Laftagareen oo Baydhabo looga dhawaaqay

Caydiid Ali

Kenya oo Diyaarado dagaal usoo iibsatay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---