Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ruto oo sheegay in ciidanka Kenya sii joogayaan Soomaaliya bixitaanka ATMIS kadib

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa tilmaamay in ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya laga yaabo in ay halkaas ku sii sugnaadaan xita ka dib dhamaadka hawlgalka ATMIS.

Ruto ayaa sheegay in dalalka safka hore ee Kenya, Uganda, iyo Itoobiya ay go’aansadeen in ay ka dib dhacaan muddada loo qabtay si aysan u lumin guulaha la gaaray.

“Waxaan go’aansanay haddaan nahay dalalka safka hore ee Uganda, Kenya, iyo Jabuut inaan ku sii jirno hawlgalkan haddii loo baahdo” ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

Madaxweynaha ayaa xusay in talaabadaas la qaadayo hadii loo arko lama huraan.

“Waxaa u aragnaa inay lama huraan tahay inaan ka sii dib dhacno jadwalka dhimista ciidamada ATMIS ee Soomaaliya, si aynaan u lumin horumarrada aan samaynay iska bixitaankeenna awgii ka dibna ay Al Shaab helaan fursad ay masraxa dib ugu soo laabtaan” ayuu yiri Ruto.

Hadalka Ruto ayaa ku soo aaday xili ciidamada ATMIS ay bilaabeen iney ka baxaan Somalia, iyadoo bishan Juun la filayo in la dhimo askar 2000 kun gaareysa oo ku laabanaya dalalkoodii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Ciidamo gadoodsan oo qabsaday qaar ka mid ah xarumaha uu ku shaqeeyo Maamulka Puntland

Caydiid Ali

Jabuuti iyo Somaliland oo ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---