Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Baarlamanka Puntland oo qaaday talaabo uga sii dareysa xiisada ka taagan Garowe

Baarlamanka Puntland ayaa bilaabay dood ku saabsan qodobada wax ka bedelka lagu sameynayo ee Dastuurka Maamulkaas xili arintaas muran badan uu ka taagan yahay kaasoo ugu dambeyn sababay dagaalkii khasaaraha badan geystay ee dhowaan ka dhacay Garowe.

Baarlamanka Puntland ayaa shaaciyey in wax laga bedelayo qodobada 46-aad, 56-aad, 64-aad, 7-aad iyo 112 illaa 113 ee dastuurka Puntland

“Golaha Wakiilada Dawladda Puntland oo ka duulaya qodobka 139-aad faqradiisa 3-aad ee Dastuurka Puntland, waxa uu dadweynaha ku wargelinayaa in wax ka bedel lagu sameynayo Dastuurka Puntland qodobo ka mid ah,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay baaramanka Puntland oo lagu faafiyey baraha bulshada.

Deni ayaa doonaya in la kordhiyo xisbiyada Siyaasada ee dastuurku ogol yahay oo 3 gaaraya, si taas loo helana waa in qodobka 46-aad oo ka mid ah qodobada Dastuurka wax laga bedelo, qodobkan waxa uu ku saabsan yahay xisbiyada siyaasadda, wuxuuna Baarlamaanka shaaciyay in wax ka bedelka lagu sameynayo qodobkaas la waafajin doono qodobada kale.

Deni ayaa caqabad waxay ka heysataa qabaa’ilka Puntland, maadaama 3 da xisbi ee ugu waaweyn ee hadda jira ayay ka soo wada jeedaan beeshiisa, si loo helo xisbiyo kale oo ka yimaada qabaailka iyo degaanada kale ee Puntland.

Mucaaradka Puntland ayaa doonaya in inta aan wax laga bedelin dastuurka uu Deni cadeeyo mowqifkiisa ku aadan doorashada hogaanka maamulka ee Janaayo 2024ka oo dhowr bilood ay ka dhiman tahay, iyagoo aaminsan in Deni uu qorshihiisa doorashooyinka qof iyo cod ku hoos qarinayo muddo kororsi.

Qodobada wax laga bedelayo waxaa ka mid ah qodobka 56aad oo u dhignaa: “Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland waa Baarlamaani waxaa dooranaya golaha wakiilada”, waxaana loo bedelayaa hanaanka dowlada Puntland waa Dimoqraadi, Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkana waxaa si toos ah u soo dooranaya dadweynaha”.

Qodobkan ayaa si toos ah u cadeynaya in Madaxweyne Deni uu doonayo muddo kororssi maadaama aan doorasho qof iyo qof cod ah lagu qaban karin mudada gaaban ee uga hartay muddo xileedkiisa.

Arrintan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, waxayna ku soo aadeysaa xili Isimada gobolka Nugaal ay dalbadeen in la hakiyo tallaabooyinka wax ka bedelka Dastuurka Puntland illaa heshiis laga gaarayo muranka arintaas ka taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo Fal Dambiyeed ku tilmaamay Imtixaankii la xaday Baaqna u diray Xeer Ilaaliinta

Cabdi Cade

Nancy Pelosi oo jeex jeexday Warqado uu u dhiibay Trump kadib markii uu salaan ka qaadi waayay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dad badan oo loo xiray ka ganacsiga Xayawaanka Diinka (Daawo Muuqaal)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---