Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weynaynaya Todobaadka Xorriyadda, midnimada iyo geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo doonka dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur.

Taaladan uu madaxweyne Xasan Sheekh ubaxa dhigay ayaa  ka mid ah xusuusaha halgankii dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga sannadaha badan heestay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana sheegay in helitaanka xuriyadda maanta lagu naaloonayo laga soo maray dhibaatooyin badan, waxa uuna xusay in muhiim tahay in laga shaqeeyo isku xirnaanta iyo midnimada.

Soomaaliya ayaa looga dabaal-degayaa maalmaha xuriyadda ee 26-ka Juun oo ah maalintii ay xuroobeen gobolada Waqooyi ee Soomaaliya iyo kowda Luulyo oo iyana ah maalintii ay xuroobeen gobolada Koonfureed sidoo kale ay midoobeen labada gobol.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun dil ah oo goordhaw lagu fuliyay ninkii dilay Cabdullaahi Cali Hudey

Cabdi Cade

Turkiga oo ciidamo hor leh u tababaraya dowlada Soomaaliya (Sawirro)

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo garab siiyay Qoys la damcay in Gurigooda xoog looga saaro (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---