Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo toogatay shan nin oo ay Dambiyo culus ku eedeeyeen (Akhriso Magacyada)

Al Shabaab ayaa fagaare kuyaalla deegaanka Faaxfaaxdhuun ee gobolka Gedo ku toogatay shin nin oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen jawaasiis ,kuwaa oo Al Shabaab sheegeen in laga soo qabtay deegaanno kala duwan.

Maxkamadda Al Shabaab ayaa ragan la toogtay ku eedeesay in ay ahaayeen basaasiis u shaqeeya sirdoonada dowladda Soomaaliya, maamulka Jubbaland iyo Sirdoonka dowladda Mareykanka ee loo yaqaan CIA.

Dadweyne badan oo degannaa deegaanka Faaxfaaxdhuun ayaa la isugu yeeray in ay daawadaan sida xukunka dilka ah u dhacayay, waxaa sidoo kale goobtaasi ku sugnaa saraakiil iyo dagaalyahanno katirsan kooxda Al Shabaab.

Magacyada ragga la toogtay ayaa kala ah

1-Cabdi Maxamed Cabdalle (Abuukey) ,  oo 44-sanno jir ahaa  ayaa Al Shabaab ku eedeeyeen in sirdoonka Jubbaland u shaqeenayay muddo ka badan afar sanno.

2-Cabdisamad Cabdiqaadir Xasan oo 22 sana jir ahaa ayaa Al Shabaab isagana ku eedeeyeen in uu la shaqeenayay sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

3-Maxamed Aadan Maxamuud oo 31 sana jir waxaa isna ku eedeeyeen kooxda Al Shabaab in uu la shaqeenayay sirdoonka Mareykanka una gudbiyay xogta Al Shabaab.

4-Mowliid Cabdullaahi Cilmi oo 43 sana jir ahaa ayaa lagu eedeeyay isaga in uu la shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland.

5-Siyaad Muxidiin Cusmaan oo 27 sana jir ah ayaa Al Shabaab isagana ku eedeeyeen in uu wada shaqeyn la lahaa ciidamo sirdoon ah oo ku sugan degmada Baardheere.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre oo ka qeyb galay shir looga hadlay arrin Muhiim ah oo Cadaado ka dhacay (Sawirro)

Caydiid Ali

Somalia oo ka qeyb galaysa shirka caalamiga ah ee Global Gateway for Education

Caydiid Ali

Ruushka oo hawada dalkiisa ka mamnuucday duulimaadyada diyaaradaha 36 Waddan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---