Dalkan Boqortooyada Sacuudiga waxaa gaaray in ka badan hal milyan qof oo Muslimiin ah, kuwaa oo dalkaasi u tagay sidii ay usoo xajin lahaayeen, dadka gaaray Sacuudiga ayaana ku tagay siyaabo kala duwan.
Sannad walbo Sacuudiga waxaa laga soo wariyaa dhacdooyin soo jiidasho leh oo la xariira dadka tagaya xajka, waxaana Sacuudiga siyaabo kala duwan oo cajiib ah ku taga dad awoodi waayay in ay dalkaasi diyaarad ku tagaan.
Wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Cismaan Arshaas, oo u dhashay dalka Pakistan ayaa soo lugeeyay soona jaray masaafo dhan 4000 oo km si uu u soo guto waajibaadka xajka una tago Sacuudiga.
Cismaan ayaa socodka lugta ah ka bilaabay dalka Pakistan bilo kahor , waxa uuna wiilkan sii maray dalal ay kamid yihiin Iran iyo Imaaraadka Carabta, waxa uuna hadda ku sugan yahay magaalada barakeesan ee Makka.
Wiilkan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in safarka lugta uu soo galay uusan aheyn mid sahlan, waxa uuna tilmaamay in caqabado badan lasoo kulmay intii uu socday, waxaana caqabadahaasi kamid ahaa qabow daran oo meelaha qaar ka jiray.
“Qof kasta oo Muslim ah wuxuu ku haminayaa inuu mar un Makkah tago, si uu u soo booqdo kacbada.Intii aan safarka ahaa, waxaan seexan jiray masjid kasta oo iga soo hor baxa, ama hotel balse inta badan waxaan dhex seexan jiray tendho” ayuu yiri Cismaan.
Wiilkan reer Pakistan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in ilaah u rumeeyay riyadiisa aheyd in uu mar u tago dhulka Barakeesan ee Sacuudiga si uu usoo guto waajibaadka Xajka ee ku waajibay qof kasta oo Muslim ah oo awoodda.