Munaasabad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo munaasibadda sannad-guurada 63-aad ee kasoo wareegtay markii ay gobolada Waqooyi ee Somaliland xuriyadda ka qaadateen dalka Ingiriiska, ayaa xalay lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadda 63-guurada ,, isaga oo si waafi ah u sharraxay marxaladihii kala duwanaa ee xorriyadda loosoo maray iyo sidii hubsiimo la’aanta ahayd ee xorriyadddaas shuruud la’aanta loogu wareejiyey Soomaalidii Koonfureed ee talyaanigu gumaysan jirey.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Meesha ka saaray inay Somaliland sannadkii 1960-kii ku biirtay Koonfurtii Talyaanigu gumaysan jirey, waxana uu sheegay inay iyadu sharciyad buuxda haysatay oo lagu soo biiray, waxana uu yidhi,
“Runtu waxa weeye Habeenkii la isku biirayey dalka sharciga ku dhisnaa (De jure) ee lagu biiray inaguu ahaa, waayo inagaa sharci haysannay ee iyagu sharci may haysanin, reer Somaliland-na 63 sanno kadib waxa inala gudboon inaynu sii laban laabno inaynu sharciyaddaas iyo waddadaas cad ee aynu haysanno adduunka ku qancino, sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba qodobkaasna fahanno oo ku dagaal galno, xilkaasina waxa uu saaran yahay inta ummadda xilka u haysa ee la dhegaysto.”
Madaxweynuhu waxa uu ka digay in nabadda iyo xasiloonida la mijo xaabiyo, dhinacna laga doono ictiraaf iyo dawladnimo,“Isku heli mayno inaynu qaran noqonno iyo inaynu nabadda la dagaallano, iskuna heli mayno inaynu ictiraaf helno iyo inaynu kala dambaynta diidno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com