Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo shan qof ku dilay gudaha dalka Kenya iyo Booliiska oo ka hadlay

Dagaalyahanno hubeesan oo katirsan kooxda Al Shabaab ayaa weerar dhaliyay khasaaro dhimasho dhaliyay  ka fuliyay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan degmada Lamu oo dhaca  Koonfur Bari Kenya.

War kasoo baxay kooxda Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar ay ka fuliyeen deegaanka Juhudi oo katirsan Lamu ku dileen shan qof oo Kenyan ah, kuwaa oo Al Shabaab sheegeen in ay ahaayeen gaalo.

Booliiska dalka Kenya war kasoo baxay ayaa lagu xaqiijiyay in Al Shabaab shan qof dileen, kuwaa ay sheegeen in qaarkood gowraceen , waxa ayna weerarkan booliiska dalka Kenya ku sifeeyeen weerar argagaxiso, iyagoona tilmaamay in ay wadaan howlgalo.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ka geesta gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka xeebta iyo gobolka waqooyi bari Kenya, waxaana weeraradan ka dhasha khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaaac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Musharax Axmed Madoobe oo Khudbad u jeediyay Baarlamaanka Jubbaland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qarax gaari oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

(Akhriso) Jadwalka doorashada Aqalka sare ee gobolada Woqooyi oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---