Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Muwaadiniinta reer Britain ee ku nool dalka Itoobiya oo digniino adag loo jeediyey

Qoraal ka soo baxay xukuumadda UK ayaa lagu sheegay inay rabshado ka dhici karaan magaalada Addis Ababa oo ay ka jiraan isu soo baxyo lagu soo dhawaynayo hoggaamiyeyaasha Ururka Xoreynta Oromada oo maanta soo gaaray dalka Itoobiya.

Dalka Britain ayaa muwaadiniintiisa ku sugan dalka Itoobiya uga digay inay tagaan goobaha isu soo baxyada ay ka dhacayaan maanta isla markaasna ay feejignaadaan.

Shaqaalaha u dhashay UK ee dalkaasi joogo ayaa lagu la taliyay inaysan tegin fagaaraha Meskel ee ku yaalla magaalada Addis Ababa halkaaso maanta ay taageerayaasha Oromada ay munaasabad soo dhawayn ah ugu qabanayeen hoggaamiyeyaasha ururka OLF.

Degaanada digniinta laga soo saaray waxaa ka mid ah.

Deegaannada Akobo, Wantawo, Jikawo ,Lar, Nuer Jore woreda oo ka tirsan maamulka Gambeelada.

Nogob, Dhagaxbuur, Godey, Qoraxeey iyo Doolow oo ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale waxaa ka mid ah deganno qaar ah oo ku yaalla xadka Itoobiya uu la wadaago dalalka South Sudan, Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

.

Related posts

RW Xamsa oo kulan deg deg ah la qaatay laamaha amniga ka dib weeraradii Baladwayne (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo hal arrin u soo jeedisay Ruushka

Caydiid Ali

Dadka ku dhintay Weerarkii ka dhacay Tiyaatarka Ruushka oo 110-qof kor u dhaafay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---