Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo guddoomiyay Shir aan caadi aheyn (Sawirro)

Gudoomiyaha Magacaaban ee Gobalka Hiiraan ee aan weli xilka la wareegin Cabdulaahi Axmed Maalin (Sufuroow) ayaa guddoomiyay shir aan caadi aheyn oo looga hadlayay xaalada ka taagan magaalada Baladweyne iyo mida ammaanka.

Shirkan waxaa kasoo qeyb galay guddoomiye kuxigeennada gobolka Hiiraan, xoghayaha gobolka iyo qaar kamid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Hiiraan, waxaana kulanka diirada lagu saaray xoojinta ammaanka iyo ka shaqeyn xasilloonida Baladweyne .

Gudoomiye Cabdulaahi Axmed Maalin  ayaa warbixino ka dhageeystay xubnaha maamulka gobolka Hiiraan, heer gobal iyo heer degmo iyo saraakisha laamaha amniga, waxa uuna ku booriyay in ay sii kordhiyaan shaqadooda gaar ahaan ammaanka iyo horumarka.

Waxa uu ku amaanay guddoomiyaha saraakiisha iyo guddoomiyaasha uu la kulmay  shaqada adag ay hayaan ,waxa uuna faray madaxda maamulka gobolka iyo kan degmooyinka in aay ka shaqeeyaan adkeynta amniga iyo  sii laba jibaaraan howlgalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Kulankan ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa imaanaya xilli guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan uu soo rogay ammar ah in Hiiraan imaan karin diyaarado sida madax katirsan Hirshabelle sidoo kale kaga dhawaaqay magaalkaasi maamul cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni oo war ka soo saaray doorashada Gudoonka cusub ee Baarlamanka Puntland

Caydiid Ali

Maqaayadaha Muqdisho oo maalmahan Suuq fiican helay & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Golaha Shacabka oo ansixiyay heshiiska ka hortaga dembiyadda abaabulan iyo baratakooladiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---