Allbanaadir.com
NEWS

Sare u kac weyn oo ku yimid qiimaha la iibiyo xoolaha nool ee Suuqyada Muqdisho

Qiimaha la kala siisto xoolaha nool gaar ahaan Lo’da, Geella iyo Ariga ayaa sare uga kacay Suuqyada dalka gaar ahaan magaalada M Muqdisho maalmihii ugu dambeeyey, iyadoo qiimohoodu uu kor u kacay ku dhowaad labo jibaar intii horey loo iibin jiray.

Sare u kaca ku yimid qiimaha xoolaha nool oo sanad walba xiligan oo kale la arko ayaa loo sababeynaa ganacsato kumanaan xoolo ah iibsata si ay ugu dhoofiyaan dalka Sacuudiga maadaama la joogo xiligii Xajka iyo heyaddo fara badan oo iyana iibinaya xoolo fara badan si loo gowraco maalmaha munaasabada Ciidul Adxaa oo maalmo kooban ay naga xigaan,

Qaar ka mid ah ganacsatada xoolaha ayaa sheegay in qiimaha bil ka hor la iibin jiray neefka Ariga ah iyo kan la iibiyo hadda uu farqi weyn u dhexeeyo, iyagoo taasna ku macneeyey xoolaha Suuqa la keenayo oo aad u yar iyo dalabka oo badan.

“Neefka ariga ah ee birimada ah waxaa bil ka hor la kala siisan jiray $100 Dollar hase ahaatee waxaa uu gaaray illaa 180-200 oo dollar wax ku dhow Ariga suuqa la keenana aad ayuu u yar yahay” sidaa waxaa tiri Culumo Axmed haweeney magaceeda ku sheegtay oo ka mid ah ganacsatada Ariga ku iibisa Suuqa Dayax.

Sanad walba marka la soo gaaro xiligan Xajka ayaa waxaa dalka Sacuudiga loo dhoofiyaa xoolaha gaaraya tobanaan kun oo neef kuwaasoo maraakiib kala duwan ay ka daabulaan dekedaha Boosaaso, Berbera, Muqdisho iyo Kismaayo, halka dhinaca kale gudaha dalka. maalmaha ciidul adxaa lagu gowraco kumanaan neef oo isugu jira Geela, Lo’da ariga iyo Idaha, kuwaasoo qarashaad badan ay ku sii iibiyaan dad ILAAHAY wax siiyey iyo heyado Islaami ah, iyagoo ka dibna sadaqo ahaan u siiya dadka danyarta ah oo maalmahaas hilib ka dherga intii ILAAHAY calaf ugu daro.

Dowlada Somalia ayaa dhowaan sheegtay in sanadkan ay dalalka carabta oo Sacuudigu ugu horeeyo loo dhoofiyey xoolo ka badan milyan iyo shan boqol oo kun, kuwaasoo laga dhoofiyey dekedaha dalka intooda badan.

 

 

Related posts

Weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Boqortooyada Sacuudiga

Caydiid Ali

Ruushka oo hanjabaad diray xilli uu ka cabsi qabo in hubka Mareykanka lagu soo weeraro

Cabdi Cade

Qaar kamid ah Xildhibaanada Galmudug oo ka habaarsaday Odayaashii soo xulay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---