Magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa dhawaan go’aan ka gaari doonta qofka noqon doona duqa xiga, ka dib markii ay soo shaac baxday gogol dhaaf uu sameeyay duqii magalada ee mudada dheer soo hayey xilka, fadeexaddan oo ka tuurtay kursiga. Ma jiri doonto musharrax yari, iska daaye waxaa soo baxay 102 magac oo uu ka mid yahay eyga Molly.
Eygan lix jirka ah, iyo milkiileheeda Toby Heaps, waxay ballan qaadayaan haddii la doorto “Joojinta Weerarka Cusbada” ee waddooyinka magaalada inta lagu jiro xilliga qaboobaha.
Isticmaalka xad dhaafka ah ee milixda ee waddooyinka inta lagu jiro xilliga jiilaalka, ayuu Mr Heaps ku dooday, inay dhaawici karto calaacalaha jilicdasan ee eyda, sida Molly. Ololihiisu waxa kale oo uu soo jeedinayaa wax ka qabashada qiimaha guryaha ee aan la awoodin, canshuur kordhin lagu sameeyo ganacsiyada bilyan-doolarka ah iyo mamnuucida nidaamka kuleyliyaha shidaalka ee guryaha cusub iyo dhismayaasha ganacsiga.
Haddii uu guuleysto, waxa uu sheegay in uu Molly u magacaabi doono in uu noqdo duq magaalo sharafeedkii ugu horeeyay.
“Waxay ila tahay in hoolka dawladda hoose uu samayn lahaa go’aamo wanagsan haddii qolka uu ku jiro xayawaan,” ayuu u sheegay BBC.
Balse uu wehliyo rabitaanka isbeddelka, Mr Heaps wuxuu sheegay in doorashadani tahay fursad uusan si fudud ku lumin karin.
Waa doorashadii ku celiska ahayd ee ugu horeysay taariikhda Toronto tan iyo markii todobada degmo ay ku biireen si ay u sameeyaan waxa loo yaqaan “mega-city” 25 sano ka hor. Tartankan ayaa la qabanayaa ka dib markii uu is casilay John Tory oo ahaa duqii magaalada siddeedii sano ee la soo dhaafay.
Qabashadii kursigan ee Mr Tory ee sanadii 2014-kii ayaa loo arkayay soo dhaweyn ka duwan maamulkii Rob Ford, kaas oo ciwaanada warbaahinta soo fuulay kadib markii uu qirtay in uu xafiiska ku dhex cabbo xashiish kuna dhex isticmaalo daroogada Kookeynta.
Balse Mr Tory ayaa lagu dhaleeceeyay inuusan lahayn aragti macno leh oo ku aaddan magaalada Toronto, iyo inuu sii qoto dheereeyay sinnaan la’aanta mid ka mid ah magaalooyinka aan noloshooda la goyn karin.
Waxa kale oo lagu eedeeyay inuu iska indha tiray Toronto oo u muuqata inay ku jirto xaalad adag, gaar ahaan iyadoo magaaladu ay sii waddo ka soo kabashada masiibada Covid-19. Qaar badan ayaa tilmaamay inay kordheen rabshadaha hubka, guri la’aanta, qiimaha guryaha iyo rabshadaha gaadiidka dadweynaha inta uu xilka hayey.
Iyadoo ay jiraan dhaliilahaas, Mr Tory ayaa la doortay saddex jeer – markii ugu dambeeysay waxay ahayd Oktoobar 2022. Kaliya dhowr iyo toban qof ayaa ka horyimid isaga markaas, maadaama loo arkayay inuu dib u doorasho ku haboon yahay. Ilaa uu fadeexad isagu is galiyey ay ku qasabtay in uu xilka ka dego dhawr bilood ka dib.
Maqaal bishii Febraayo ka soo baxa wargeyska Toronto Star ayaa shaaca ka qaaday in 68-jirka duqa magaalada ah ee reerka leh uu xiriir la yeeshay shaqaale 31 jir ah intii lagu jiray masiibada Covid-19. Dhowr maalmood ka dib markii la daabacay.
Isaga oo saaxada ka maqan, doorashada ku celiska ah ee soo socota ee 26ka Juun waa “tartan ballaaran,” ayuu yiri Nelson Wiseman, oo ah barfasoore cilmiga siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Toronto.
“Farqiga u dhexeeya markii ugu dambeysay iyo waqtigan ma garanayno cidda guuleysanaysa,” ayuu yiri barfasoore Wiseman.
Caqabada soo gelitaanka tartanka aad bay u hoosaysaa. Khidmad dhan $250 oo doolarka Canada ah una dhiganta ($189) iyo 25 saxeex oo kaliya ayuu u baahan yahay qofka reer Toronto si uu ugu tartamo duqa magaalada. Si ka duwan magaalooyinka kale ee waaweyn ee Waqooyiga Ameerika – oo kala ah New York, Los Angeles iyo Chicago – musharrixiinta uma tartamaan si waafaqsan khadadka xisbiyada siyaasadeed, taas oo macnaheedu yahay in uusan jirin hannaan magacaabid oo hoos u dhigaya tirade musharrixiinta.
Karen Chapple, oo ah maamulaha School of Cities ee Jaamacadda Toronto, ayaa sheegtay in garoonku si ballaaran u furan yahay, saas darteedna dadka qaar ay iska tartamayaanh oo kaliya si ay u ogaadaan in ay fursad heli karaan iyo in kale.
Xigasho: BBC