Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hirshabelle oo ka hor timid qoraal ka soo baxay Gudomiyihii hore ee G/Giiraan

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Hirshabelle ayaa beenisay qoraal uu soo saaray Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo sheegayey in laga bilaabo maanta uu muddo afar cisho ah xirnaan doono garoonka dayuuradaha Baladweyne.

Cali Jeyte ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in garoonka Ugaas Khaliif ee Baledweyne aysan kasoo dagin wax dayuurad ah marka laga reebo kuwa ATMIS iyo tan qaadka keenta.

hase ahaatee waxaa talaabadaas ka hor timid Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Hirshabelle oo shirkadaha dayuuradaha ku wargelisay ineysan fulin amarkaas uuna furan yahay garoonka Ugaas Khaliif.

“Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Hirshabelle waxay beenineysaa warqadda been abuurka ah ee saacadihii lasoo dhaafay lagu soo faafiyay baraha bulshada, wasaaraddu waxeey fareysaa dhamaan shirkadaha duulimaadyada iyo bulshada in garoonka diyaaradaha Ugaas Khalif ee magaalada Beledweyne uu shaqadiisa maalinlaha ah wato. Wasaaradda waxay duruuf kasto ugu shaqeyneysaa bulshada Hirshabelle; ayaa lagu sheegay qoraalka Wasaarada oo u qornaa sidatan hoose:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Rooba oo shaaciyay in Wadooyinka Mandheera 50% ay maamulaan Al Shabaab

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo shaacisay shirkad ku guleysatay Qandaraas xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Marxuum Gen. Darwiish oo lagu aasay Kismaayo iyo madax kala duwan oo ka qeyb gashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---