Amar kasoo baxay Cali Jeyte Cismaan oo sheegtay inuu yahay hoggaamiyaha KMG ah ee Maamulka Hiiraan State ayaa saaka ka dhaqan galay magaalada Baladweyne.
Qoraal shalay ka soo baxay Cali Jeyte ayuu ku sheegay in muddo afar maalmood ah uu xiran yahay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.
Cali Jeyte ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in garoonka Ugaas Khaliif ee Baledweyne aysan kasoo dagin wax dayuurad ah marka laga reebo kuwa ATMIS iyo tan qaadka keenta.
Wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya ineysan jirin wax duulimaad shacab ah oo saaka ka soo dagay garoonka Ugaas Khaliif, taasoo ka dhigan inuu dhaqan galay amarka Cali Jeyte Cismaan oo dhawaan madaxweynaha Hirshabeelle uu ka qaaday xilkii guddoomiyaha gobolka Hiiraan ka dib khilaaf soo kala dhex galay.
Amarkan ayaa salka ku haya loolan la xiriira dhaqaalaha kasoo baxa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif iyo kastamada kale ee Canshuurta lagu qaado ee magaalada Baladweyne.
Loolankan ayaa in laga cabsi qabaa inuu sababo dagaal la xiriira ilaha dhaqaalaha gaar ahaan kastanada Canshuurta haddii khilaafka hadda taagan aan xal deg deg ah loo helin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com