Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maamulka DDSI shuruudo cusub ku soo rogay dadka qabanaya xilalka gobolada (Akhriso)

Waxaa soo baxaya shuruudo cusub oo lagu xirayo cidda qabanaysa xilalka degmooyinka iyo gobollada dowlad deegaanka Soomaalida.

Qeybo ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida ayaa laga dareemayaa in gaabis uu ku yimid hawlihii Dowladda Deegaanka kaddib isbadalkii dhawaan halkaasi ka dhacay.

Laga billaabo 26-kii bishii hore, waxaa meesha ka baxay inta badan maamulkii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ka dib markii ciidammada federaalka ay maamulka soo farageliyeen.

Balse waxaa soo baxaya warar ah in shaqaalihii dowladda xitaa aysan helin mushaaraadkooda, iyadoo meelaha qaar bangiyadu xitaa aysan shaqeynayn.

Xasan Maxamed Xuseen oo ah madax xafiiseedka madaxtooyada Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in xisbiga haya talada Deegaanka ay shuruudo ku soo rogeen cidda qabanaysa xilalka degmooyinka iyo gobollada dowlad deegaanka Soomaalida.

Shuruudahani ayaa waxaa ka mid ah

1-in qofka uu haysto shahaadada koowaad ee jaamacadda.

2-in uu qofka leeyahay waayo aragnimo iyo khibrad shaqo.

3-in uu yahay qof bulshada sumcad ku dhex leh.

4-inuu yahay qof aan lagu soo eedeyn musuqmaasuq.

Waxyaabaha kale ee la isku xirayo waxaa ka mid in uusan ka soo qayb qaadaanin hagardaamooyiinkii bulshada lagu soo hayay, sida uu sheegay madax xafiiseedka madaxtooyada Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Garoowe ku qaabilay danjire Mohamed Ibrahim Nasar (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Difaaca DF oo kulamo xasaasi ah la qaatay Saraakiil ka tirsan EUTM-S (Sawirro)

Caydiid Ali

Siyaasi Caan ah oo si qasab ah looga tarxiilay dalka Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---