Taliyihii xilka laga qaaday ee ciidanka dhulka XDS Jen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay sababta xilka looga qaaday inay la xiriirto xiisadda maamul ee ka taagan gobolka Gedo iyo kala qeybsanaanta halkaas ka taagan.
Jen. Biixi ayaa hadalkan ka sheegay khubad uu ka jeediyey munaasabad uu xilka ku wareejiyey ayaa ku baaqay in arrinta gobolka Gedo loo wajaho qaab Soomaalinimo ah.
“Aniga waxaa la ii badalay oo xilka la iiga qaaday waan aqaan waa Qadiyada gobolka Gedo, Siyaasadda haddii ay xumaato waa Bulaacad waxaa kasoo baxayana waa Qabiil, siyaasadda hadii ay wanaagsanato waa ay carfeysa haddii ay xumaatana waa bulaacad qaraxday oo kale “ayuu yiri Taliyihii hore ee Ciidanka dhulka Soomaaliya
Jen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa intaas ku daray inuu aaminsan yahay in xil ka qaadistu ay sunno u tahay dowladnimada.
Arrin yar oo kaftan ah, laakiin kaftan ka xoog badan ayaan idin su’aalayaa, aniga waxaa xilka la iiga qaaday qadiyadda ka taagan Gedo, balse Jeneraal Odawaa maxaa xilka looga qaaday? anigaa idin sheegaya Odawaa sababta xilka looga qaaday waa sunada dowladnimada,” ayuu yiri.
Jen. Biixi tafaasiil kama bixinin xiriirka ka dhexeeya xiisada Gedo iyo talaabada isaga xilka looga qaaday hase ahaatee waxaa la xusuusan yahay inuu ahaa nin aad ugu dhow Madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo, isla markaana door weyn ku lahaa khilaafkii dowladaas ay ka abuurtay gobolka Gedo oo illaa hadda dowlada Madaxweyne Xassan Shiikh ay u maaro la’dahay.