Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa caawa soo saaray wareegtooyin dhowr ah oo lagu magacaabay xilal kala duwan oo iskugu jira gudoomiyeyaal gobol, taliyeyaal ciidan, agaasimayaal iyo xilal kale.
Deni ayaa xilalkii ka qaaday masuuliyiintii iyo saraakiisha amniga ee gobolka Nugaal oo xaruntiisa magaalada Garowe oo sidoo kale ah caasimada Puntland ay maalmo ka hor ka dhaceen dagaalo ka dhan ah maamulkiisa oo ay wadeen siyaasiyiin mucaarad ah.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in sababta isbeddalkan loo sameeyay ay tahay baahi loo qabo dardargelinta maamulka gobolka Nugaal, si horay loogu wado howlaha maamulka hor yaalla, lamana oga sababaha rasmiga ah ee dhaliyey isbedelkan..
Inta badan xubnaha uu xilalka u magacaabay Madaxweyne Deni waxay deegaan ahaan kaasoo jeedaan gobolka Nugaal ama Garowe. Waxaa loo arkaa in madaxweyne Deni uu doonayo inuu isaga yareeyo culayska siyaasadeed iyo midka amni ee kaga furan magaalada Garowe, halkaasoo siyaasiyiinta kasoo jeeda ay ka hor yimaadeen qorshihiisa doorashada iyo furista dastuurka.
Deni waxa uu wareegtooyinkan xilalka kaga xayuubiyay shakhsiyaad uu ku tuhmayo inay xiriir dhow la leeyihiin siyaasiyiinta ay iska soo horjeedaan, kuwaasoo markii hore saamayn ku lahaa magacaabista shakhsiyaadka hadda la eryay.
Xilalka la magacaabay waxaa ka mid ah:-
1-Cabdiraxamaan Abshir Faarax waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal
2-Mukhtaar Faarax Jeer Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Gobolka Nugaal
3-Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir) Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Gobolka Nugaal
4-Cabdi Cali Qarjab La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Gudaha iyo Amniga.
- Qaalib Xasan Maxamuud Baaruud La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada iyo Wacyigelinta.
6- G/Sare Maxamed Cali Axmed Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Nugaal
7- G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyihii hore Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal loo bedelay Taliyaha Qabta Boliiska Gobolka Karkaar
8-Waxaa G/Sare Aadan Axmed Cali loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Sanaag
9-Waxaa G/Sare Fu’aad Maxamud Xuseen loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Gardafuu.
10-Waxaa Cumar Cismaan Siciid loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu.
11-G/Dhexe Qaasim Jaamac Shire waxaa loo magacaabay Taliyaha Ururka Danab ee Kamaandosta Ciidanka Madaxtooyada Puntland.
12-Waxaa Maxamed Cabdullaahi Ismaaciil loo magacaabay Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland
13-Waxaa Axmed Jaamac Jawle loo magacabaay Agaasimah Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.
14-Waxaa Cabdulqaadir Axmed Xaashi loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda
15-Waxaa Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda
16-Waxaa Yuusuf Maxamed Faarax (Geesa Wayne) loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Bankiga Dowlada Puntland
17-Waxaa Maxamed Cali Faarax (Faramyeeri) loo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland
18-Waxaa Eng. Cabdulqaadir Cabdidaahir Maxamed loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland
19-Waxaa Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan) loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga iyo Dowladda Puntland
20-Waxaa Sharmaarke Yaasiin Cali loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
21-Waxaa Xasan Maxamed Ciise (Goodir) loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha
22-Waxaa Shaafici Maxamed Ismaciil loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Daaqa iyo Isbedelka Cimaladda
23-Waxaa Cabdixakiin Maxamed Cismaan loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
24-Waxaa Cabdifitaax Salaad Aadan loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul wanaaga.
25-Waxaa Axmed Naxar Siciid Aw-nuur loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.