Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Gedo (Sawirro)

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax miino oo ka dhacay wadada isku xirta degmooyina Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo

Qaraxan oo gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaanka Uunsi  oo u dhexeeyo degmooyinka Balad Xaawo iyo Dolow.

Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo noociisu ahaa Suzuki ayaa la sheegay iney qabsatay miinada lagu aasay wadada,

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay 3 kalena way ku dhaawacmeen, kuwaasoo qaarkood dhaawacooda culus yahay, waxaana loola cararay goobaha Caafimaadka.

Ciidamada dowlada ayaa gaaray goobtaas kuwaasoo baaritaano ka sameeyey inkastoo aan la sheegin cid loo soo xiray qaraxaas oo loo badinayo iney ka dambeysay Al-shabaab inkastoo aysan sheeganin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka oo soo saaray amar ku socda heyadaha DF

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda Dhuusomareeb kadib cadaadis uga yimid Beesha Caalamka

Cabdi Cade

Dowladda oo Shaacisay in Al Shabaab gaaray jabkii ugu xumaa ayna ku jiraan xaalad adag

Cabdi Cade
Taboola Ads ---