Dowladda Soomaaliya ayaa wada soo qabashada agaasimayaal, saraakiil iyo masuuliyiin katirsan dowladda , kuwaa oo ku eedeesan in ay ku kaceen falal la xariira musuq maasuq iyo xatooyo xowlo dadweyne.
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa horey loo horgeeyay saraakiil iyo masuuliyiin ku eedeesan musuq maasuq, waxaana dadkaasi dacwado kala duwan kusoo oogay xafiiska xeer ilaalinta Qaranka.
Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda xireen agaasimayaal katirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya iyo sidoo kale Bangiga Dhaxe ee dowladda ,kuwaa oo ku eedeesan musuq maasuq.
Masuuliyiinta maanta la xiray waxaa ku jira Col. Abdullahi Mohamud Osoble oo ahaa Agaasimaha waaxda Ajaaniibta ee dal-kugalka iyo dal ku jooga hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, waxaana loo heestaa kiis musuq oo hay’adda ka dhacay in uu ku lug lahaa.
Xariga masuuliyiintan ayaa imaanaya xilli dalka ka baxsadeen masuuliyiin sar sare oo dowladda katirsan kuwaa oo iyana ku lug leh musuq maasuq, halka magaalada Muqdisho iyana ku dhuumanayaan xubno kale oo musuq dhacay qeyb ka ah.