Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarado Dagaal oo duqeeyay magaalada Saakow iyo Khasaaro ka dhashay (Sawirro)

Diyaarado dagaal oo loo maleenayo in ay leeyihiin ciidamada Kenya ayaa xalay duqeyn ka geestay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhaxe, waxaana duqeyntan ka dhashay khasaaro kala duwan.

Duqeynta ayaa sida aan wararka ku helnay ku dhacday xaafado katirsan degmada Saakow, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay labo qof oo la sheegay in ay ahaayeen dad shacab ah, halka guryana ku bur bureen.

Sawirro laga soo qaaday halka ay ku dhaceyn gantaalada laga tuuray diyaaradaha dagaalka ayaa muujinaya gaadiid kala duwan oo gubtay iyo sidoo kale guryo la deganaa oo bur bur xooggan soo gaaray.

Ma jiro ilaa hadda cid ka hadashay duqeyntan xalay ka dhacday degmada Saakow iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana habeenno kahor sidaan oo kale loo duqeeyay degmada Saakow iyo deegaanno kale.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa duqeymo ka geesta degmooyin iyo deegaanno katirsan gobolada Jubbooyinka, duqeymahan oo lala beegsado Al Shabaab ayaa mararka qaar khasaarooyin kala duwan kasoo gaaraan dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khasaaraha qaraxyadii Jalalaqsi iyo Buulo Burde oo sii kordhaya & dad lala’yahay

Caydiid Ali

Khilaafka Soomaaliya Iyo Imaaradka Oo Sabab U Noqonaya In AMISOM Aysan Ka Bixin Dalka 

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in taliyihii uu Farmaajo shaqada ka joojiyey uu howshiisa iska wato?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---