Allbanaadir.com
NEWS

Xabsi nuuc cusub ah oo dadka si iskood ah u tagaan si loogu xiro lacagna ku ….

Dalka Hindiya waxaa laga furay xabsi nuuc cusub ah oo dadku si iskood ah u tagaan si loogu xiro, waxaana xusid mudan xabsigan dadka doonaya in lagu xiro waxaa waajib ku ah in ay lacag iska bixiyaan .

Xabsigan oo ku yaalla magaalada Haldwani ee gobolka Uttarakhand ee dalka Hindiya ayaa loogu tala galay in ay isku soo xiraan dadka doonaya in ay kahor tagaan dhibaatooyinka bulshada lasoo darsa.

Maamulka xabsigan ayaana sheegay in dadka caadiga ah fasax u qabaan in xabsiga isku soo xiraan iyadoona loo baahneyn in maxkamad xukun ku rido, waxaana qofkii doonaya in lagu xiro xabsigan laga rabaa in uu bixiyo lacag ku dhaw 9- dollar halkii habeen

Saraakiisha gacanta ku haya xabsigan dhaqanka layaabka leh la yimid ayaa sheegay in arrintan ay dadka ka badbaadineyso iney maraan ciqaab weyn oo ay ku muteystaan dambiyada qaar.

Warbaahinta dalka Hindiya ayaa ku warantay in xabsigaasi tagaan dad badan si ay uga hortagaan waxyaabo ay aaminsan yihiin in ay ku dhici doonaan mustaqblka, dadkan ayaana la tashada kuwa la sheegay in ay yihiin faalow.

Faalka oo ah dhaqan ka jira Hindiya ayaa dadka qaar loogu sheegaa in ay noloshooda waqti ka mid ah xabsi ku qaadan doonaan, sidaas awgeedna ay u habboon tahay inay waqti cayiman si iskood ah xabsiga u galaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bankiga dhexe ee Somalia oo digniin adag siiyey Bankiyada gaarka loo leeyahay

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni iyo wafdi uu horkacayo oo safar dibeda ah u ambabaxay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dalxiisayaal ku kacay arrin yaab iyo fajac noqotay oo xabsiga loo taxaabay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---