Shiinaha ayaa golaha ammaanka ee QM dhexdiisa kaga hadlay arrimaha Soomaaliya xili ay isku dhac yihiin Somaliland oo xiriir la sameysatay Taiwan oo sheegata madax banaani balse Shiinuhu sheegto iney ka tirsan tahay dalkiisa.
Safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay Zhan Jun oo si faahfaasan uga hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday dagaalka Laascaanood.
“Dagaalka Laasacaanood ee u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyada deegaanka waxaan ugu baaqeynaa dhammaan qeybaha dagaalka ku lugta leh inay degdeg xabadda u joojiyaan, ciidamadooda kala baxaan wadahadalna ay galaan” ayuu yiri.
Hore ayey saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya u cambaareeyeen dagaalka Laascaanood. Bayaan ay soo saareen ayey ku sheegeen in ay “aad uga welwelsan yihiin” saameynta dadka rayidka ah kasoo gaareysa isku dhacyadan socday muddada.
Somaliland ayaa heshiis la gashay Taiwan taasoo ka careysiisay Shiinaha iyadoo Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu Taiwan ka dalbaday inay ka digtoonaato ku xadgudubka qarannimada Soomaaliya’.
Safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay mowqifkooda iyo sida ay u arkaan Soomaaliya. isagoo u sheegay golaha ammaanka in ay ka soo horjeedaan wax kasta oo kala qeybinaya Soomaaliya, waxna u dhimaya madaxbannaanida dhuleed.