Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ruushka oo galay Xaalad adag Milatariga dalkaasi iyo Wagner oo isku dhacay (Sawirro)

Hogaamiyaha calooshood u shaqeystayaasha Ruushka Yevgeny Prigozhin ayaa sheegay in dagaalyahanadiisa Wagner ay ka soo gudbeen xadka Ruushka iyagoo ka yimid Ukraine ayna diyaar u yihiin inay ka hortagaan militariga Moscow, saacado ka dib markii Moscow ay ku eedeysay inuu ku kacay amar diido.

Kkhilaaf muddo dheer socday oo u dhexeeyay Prigozhin iyo madaxda sare ee militariga ayaa hadda u muuqda mid faraha ka baxay, waaxda amniga ee Ruushka ee FSB ayaa furtay kiis dambiyeed isaga ka dhan ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee TASS. Ruushka ayaa ugu baaqay ciidamada shirkadda gaarka loo leeyahay ee Wagner inay iska dhega tiraan amarka hogaamiyahooda oo ay xiraan.

Dagaalyahanada Wagner ayaa galay magaalada Rostov ee koonfurta Ruushka, hogaamiyahooda Prigozhin ayaa sidaas ku sheegay cod la duubay oo la soo dhigay Telegram. Wuxuu sheegay in isaga iyo raggiisa ay burburin doonaan cid kasta oo jidkooda ka hor istaagta.

Prigozhin ayaa mar sii horeysay sheegay in hogaanka militariga ee Ruushka uu dilay tiro aad u badan oo ciidamadiisa ka mid ah weerar dhanka cirka ah, wuxuuna wacad ku maray inuu ka aargudan doono.

Wuxuu sheegay in falka uu sameeyay aysan ahayn afgambi militari. Laakin fariimo maqal ah oo dhawaaqa codkiisa mararka qaar kala duwanaayeen oo aan si madax banaan loo xaqiijin karin, ayaa waxa uu u muuqday mid muujinaya in isaga iyo 25,000 kun maleeshiyaad ah oo uu wato ay u socdaan sidii ay xilka uga tuuri lahaayeen hogaanka Wasaarada Gaashaandhiga ee magaalada Moscow.

Waxaa sare loo qaaday ammaanka xarumaha dowladda, xarumaha gaadiidka iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee magaalada Moscow, sida ay sheegtay TASS, iyadoo soo xiganeysa ilo ka tirsan laamaha ammaanka.

Taliye ku xigeenka ololaha Ruushka ee Ukraine, General Sergei Surovikin, ayaa ugu baaqay dagaalyahanada Wagner inay adeecaan Putin, aqbalaan taliyayaasha Moscow oo ay ku laabtaan xeryahooda..

Is-mari-waaga, oo in badan oo ka mid ah faahfaahintiisa aan la caddayn, ayaa u eg qalalaasihii ugu weynaa ee Putin ka soo wajaha gudaha tan iyo markii uu kumannaan askari u diray Ukraine bishii February ee sannadkii hore.

Prigozhin, oo mar xulafo la ahaa Putin, ayaa bilihii la soo dhaafay waxa uu dagaal qaraar kula jiray Moscow. Horaantii Jimcihii, waxa uu u muuqday mid ka gudbaya khad cusub, isagoo sheegay in sababta Kremlin-ka ee duullaanka Ukraine uu ku salaysan yahay been abuur uu sameeyay madaxa sare ee ciidanka Ruushka.

Wagner ayaa hogaamiyay qabsashadii Ruushka ee magaalada Bakhmut ee Ukraine bishii hore, taasoo ah guushii ugu weyneyd ee Ruushka uu gaaro 10 bilood gudahood, Prigozhin ayaa guulaha dagaalka u isticmaalay inuu dhaleeceyo hoggaanka Wasaaradda gaashaandhigga

Muddo bilo ah, waxa uu si cad ugu eedeeynayay Wasiirka Difaaca Sergei Shoigu iyo Jeneraalka ugu sarreeya Ruushka, Valery Gerasimov, xil gudasho la’aan iyo iney saadkii iyo rasaastii ka goosteen ciidamadiisa dagaalka kula jira milateriga Ukraine.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo shan qof ku dilay gudaha dalka Kenya iyo Booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur: ” Umal kama hadlo gabood falka madaxda talada dalka haysa”

Caydiid Ali

Shir muhiim ah oo u dhaxeeya Dowladda iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo furmay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---