Ciidanka booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay nin dhallinyaro ah oo magaalada Muqdisho ku gowracay gabar yar oo lix sanno jir ah.
Ninkan ciidamada booliiska soo qabteen ayaa shalay gowracay gabar yar uu adeer u ahaa, ninkan ayaana dilka kaddib ka baxsaday goobtii uu ku gowracay gabadha yar.
Booliiska war kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in baaritaan ku wadaan ninkan dilka u geestay gabadha yar oo la sheegay in madaxa looga jiray.
Dilkan shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa noqday mid aad looga argagaxay , waxaana shaki la galiyay caafimaad qabta ninkan dilay gabadha uu adeerka u ahaa.