Allbanaadir.com
NEWS

Soomaali 64 Sanno jir ah oo dil ka geestay Dalka Canada iyo Booliiska oo qabtay

Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa ka dhacay dil ay aad uga argagaxeen Soomaalida kunool dalkaasi, waxaana hadda socda baaritaano ay wadaan booliiska oo ku aadan dilkaasi iyo sababta keentay.

Nin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Cabdi oo 64 sanno jir ah ayaa loo xiray kiiskan dilka ah, waxaana ninkan la sheegay in uu rasaas huwiyay nin kale oo Soomaali ah oo lagu magacaabayay Maxamed Siciid Maxamed oo 55-sanno jir ahaa.

War kasoo baxay booliiska dalka Canada ayaa lagu sheegay in falkan dilka ah uu ka dhacay dhismo kuyaalla xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Etobicoke , waxa ayna booliiska xaqiijiyeen in ay xireen ninka dilkan lagu tuhmayo.

Ninka la dilay ee Maxamed Siciid ayaa warar soo baxaya sheegayaan in dhyawwaan uu tagay magaalada Toronto, lamana oga ilaa hadda waxa sababay dilkan loo geestay ninkan da’da ah uu sidoo kale nin kale oo isma da’ ah.

Dalka Canada waxaa ka dhacay dilal badan oo loo geestay Soomaali u badan dhallinyaro, waxaana dilalkaa qarakood la sheegaa in ay isku geestaan Soomaalida dhaxdooda ,kuwaa oo walaac badan ku abuurtay Soomaalida dalkaasi nabadda iyo nolosha u raadsatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sweden oo Duulimaad Sirdoon ka samaysay meel u dhaw xuduudka Raashiya

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo balan-qaad culus u sameeyey dhibane Seynab Aadan Saalax (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo shaaciyay magaca Hogaamiye katirsan Al Shabaab oo la dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---