Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Milkiilayaasha Twitter iyo Facebook oo dagaal feer ah isku balansaday

Labada maalqabeen ee iska leh baraha bulshada ee ugu saameynta weyn dunida, Mark Zuckerberg iyo Elon Musk ayaa isku balansaday inay feertamaan. Labada nin ee ugu taajirsan tiknoolijiyadda dunida ayaa ku balamay goob qafilan oo ciyaarta feerka iyo legdanku ka dhaco.

Musk ayaa fariin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in uu “diyaar u yahay dagaal kadhaco goobta qafilan” isaga iyo Mr Zuckerberg.

Zuckerberg, oo ah madaxa shirkadda leh Facebook iyo Instagram ee Meta, ayaa dabadeed soo dhigay sawir uu Mr Musk soo dhigay bartiisa twitter-ka wuxuuna ku soo dul qoray “isoodir goobta aad joogto”.

Musk 52 sano jir noqonaya dhammaadka bishan ayaa markaas ugu jawaabay qoraalka Mr Zuckerberg in uu joogo “Vegas Octagon.” Waxa uu goor dambe faafiyay muuqaal loo fahmay in uu ku muujinayo in farrintiisu kaftan tahay.

“Weligey ma sameeyn jimicsi aan ahayn in aan carruurteyda kor u qaadqaado oo aan kor u tuurtuuro,” ayuu yiri. Laakiin Zuckerberg oo 39 sano jir ah waxa uu muddo dheer baranayay feerka iyo laadka, isaga oo dhawaan ku guuleystay tartan sare.

Isha: BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii goordhaw ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo goordhay bilaabaneysa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Akhriso) Midowga Musharaxiinta oo qoraal deg deg ah ka soo saaray Ciidamada la dul dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---