Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Mukhtaar Roobow ku soo arkay goobaha la dejiyey xujayda Soomaalida? (Sawirro)

Wasiirka Awqafta iyo Arrimaha Diinta XFS Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa kormeer ku tagay goobaha la dajiyay xujeyda Soomaaliya ee ku yaalla Magaalada Maka Al-Mukarama ee Dalka Sacuudi Carabia

Wasiirka oo ay la socdeen Agaasimaha Guud ee wasaaradda Awqaafta Maxamed Ibraahin Xaaji Cali,Madaxa arimaha Xajka ee Soomaaliya Qadar Xaaji Daahir waxa ay u kuurgaleen xaaladda xujeyda ee ku sugan magaalada Miina,gaar ahaan xarumaha teendhooyinka ee la dajiya dadkaasi.

Sheekh Mukhtaar Rooboow, waxa uu Dowladda Sacuudiga ku ammaanay dadaalka ay sanadkaan u galeen qabanqaabinta adeegga lagama maarmaanka u ah xujeyda Soomaaliyeed eee sanadkan.

Wasiirku waxa uu u mahadceliyay dowladda Sacuudiga oo uu tilmaamay in ay xil gaar ah iska saartay socodsiinta howlaha xajka sanadkaan.

Waxaa uu ku soo wareegay goobaha la dejiyey Xujayda Soomaalida, isagoo wareysiyo la xiriira adeegyada loo qabtay la yeeshay qaar ka mid ah xujayda sanadkan aaday Sacuudiga oo dalla oo dhan marka la isku geeyo gaaraya 11.500 oo Xaaji.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo si layaab leh uga hadlay Rabshadihii ka dhacay Muqdisho Eedeyna jeediyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo guddoomiyay Shir duceed muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Cudur Nuuc cusub ah oo soo shaac baxay iyo Dowlado waa weyn oo Xanibaad soo rogay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---