Wafdi uu hoggaaminayay Gudoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/Sare Xassan Cali Nuur (Shuute), uuna qeyb ka ahaa Wasiirka Cadaaladda Dowladda Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed ayaa ku sugan degmada Baraawe.
Mas’uuliyiintan ayaa u tegay halkaas inay qeyb ka noqdaan dhameystirka xalka rabshadihii dhawaan ka Dhacay Magaalada ee u dhaxeeyay Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Millateriga Soomaaliya.
“Waxaan bogaadinayaa socdaalka ay ku soo gaareen Baraawe oo sidoo kale maalmo Ka hor aan ku soo dhaweenay mas’uuliyiin ka tirsan Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida. Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose waxa uu si balaaran u soo dhaweenayaa dhamaan Dhinacyada ka qeyb qaadanaya in xal loo helo shaqaaqooyinkii dhawaan ka dhacay Baraawe ayuu yiri” Guddoomiyaha Gobolka Maxamed Ibraahim Barre.
Sidoo kale Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in wafdiga uu hogaaminaayo ay ku sugnaan doona Magaalada Baraawe inta ay si Dhameystiran loo soo gabagabeenayo xiisadii dhawaan dhacday, si loo hubiyo loona xaqiijiyo Nabadda iyo xasiloonida Caasimadda Koonfur Galbeed.
Xiisad kulul ayaa ka dhalatay dagaalo dhowaan ku dhexmaray degmada Baraawe ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta K/Galbeed taasoo markii dambe yeelatay weji qabiil.