Allbanaadir.com
NEWS

DEGDEG: Dalxiisayaashii laga baadi goobayey Bada Atlantic oo geeridooda la xaqiijiyey

Ciidanka Ilaalada xeebaha Mareykanka ayaa goor dhaw shaaciyay in la rumeysan yahay inay dhinteen dhammaan dadkii la socday markabkii gujiska ahaa ee ay la socdeen dalxiisayaashii maalqabeenka ah oo maalmihii u dambeeyay laga baadi goobayay badweynta Atlantic.

“Anigoo ku hadlaya magaca Ilaalada Xeebaha Mareykanka iyo dhammaan taliska mideysan, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska,” ayuu yiri Admiral John Mauger .

Shirkadda OceanGate oo iska lahayd markabkii ay dalxiisayaasha saarnaayeen ayaa dhankooda bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen inay rumeysan yihiin in dhammaan shantii qof ee saarneyd ay dhinteen.

Markabkan ayaa la waayay Axaddii isla markana waxaa tan iyo xilligaasi lagu jiray baadigoobkiisa.

“Nimankani waxay ahaayeen sahamiyeyaal run ah oo wadaagay dareen gooni ah iyo xamaasad qoto dheer oo ku saabsan sahaminta iyo ilaalinta badaha adduunka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay OceanGate Expeditions, shirkadda fadhigeedu yahay Maraykanka ee maamusha markabka Titan submersible. “Qalbigeenu wuxuu la jiraa shantan ruux iyo qof kasta oo ka tirsan qoysaskooda inta lagu jiro waqtigan murugada leh.” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Robot-badeed qoto dheer oo aan cidi wadin oo laga soo diray markab laga leeyahay dalka Kanada ayaa helay burburka markabka Titan oo qiyaastii 1,600 cagood (488 mitir) u jira qaansada burburka qarniga, 2-1/2 mayl (4 km) oogada hoosteeda. Ilaalada Xeebaha Maraykanka Admiral John Mauger ayaa shir jaraa’id ku sheegay.

Shanta qof ee la socday waxaa ka mid ahaa bilyaneer Ingiriis ah iyo sahamiye Hamish Harding oo 58 jir ah; Ganacsade u dhashay Pakistan Shahzada Dawood oo 48 jir ah, iyo wiilkiisa Suleman 19-jirka ah, kuwaasoo labadaba haysta dhalashada Ingiriiska; Khabiir Faransiis ah oo la yiraahdo Paul-Henri Nargeolet oo 77 jir ah iyo Stockton Rush, oo ah madaxa fulinta ee Ocean Gate.

Kooxaha samatabbixinta oo ka kala socday dalal dhowr ah ayaa maalmo ku qaatay raadinta kumanaan mayl laba jibaaran oo bad furan ah kuwaasoo watay diyaarado iyo maraakiib.

Xiriirkii isgaasriinta ee lala lahaa gujiskan ayaa lumay subaxnimadii Axadda taasoo keentay in la waayo gujiska yar iyo dadkii la socday poo qorshohoodu ahaa iney quusaan badda gunteeda si ay u soo arkaan haraaga markabkii Titanic ee quusay 111 sano ka hor, iyadoo qofkiiba laga qaaday $250.000 oo Dollar.

Markabka Titanic ayaa ku degay badweynta Altantic 1912-kii markii uu ku jiray safarkiisii ugu horreeyay kaddib markii uu ku dhuftay Buur baraf ah waxaana ku dhintay in ka badan 1,500 oo qof wuxuuna ku quusay meel qiyaastii 900 mayl (1,450 km) bari ka xigta magaalada Cape Cod ee gobolka Massachusetts dalka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaalad adag oo soo wajahday Silvia Romano & hanjabaado dil ah oo loo jeediyey

Caydiid Ali

Ciidamada PSF oo sameeyey howlgalo ka dhan ah kooxda Daacish (Sawirro)

Caydiid Ali

Booliska Muqdisho oo caawa toogtay nin hubeysan oo dili rabay askari

Caydiid Ali
Taboola Ads ---