Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Dhalinyaro lagu dilay magaalada Boosaaso iyo Faah faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeesan magaaladaasi ku dileen labo wiil oo dhalinyaro ah oo la sheegay in ay ahaayeen saaxiibo.

Dilka labadan wiil ayaa ka dhacay meel ku dhaw Suuqa magaalada Boosaaso, waxaana goobtaasi ka baxsaday ragii hubeesnaa ee dilka u geestay labadaasi wiil oo dhawaan ka qalin jabiyay Jaamacada Bariga Africa ee magaalada Boosaaso.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in labadan wiil ee la dilay ay ahaayeen saaxiibo aad isugu dhaw oo hal Jaamacad kawada baxay, walina lama oga cida dilkooda ka dambeesay iyo waliba sababta loo dilay.

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa magaalada Boosaaso kawada howlgalo lagu baadi goobayo dableydii ka dambeysay dilka dhalinyaradan ,waxa ayna ciidamada si gaar ah u baarayaan goobo ay tuhmayaan in ay u baxsadeen raga dilka geestay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo diiday in la baaro tacadiyada xuquuqada aadanaha ee Itoobiya

Cabdi Cade

RW Khayre oo kormeeray dekeda Muqdisho & xarumo kale oo Muhiim ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo tukashada Salaadii Ciida ka dib baaq u diray Shacabka Somaliland (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---