WAR SAXAAFADEED
Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa cambaareeyay falkii ay Al-Shabaab ku qaadeen fariisin Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo ATMIS ay ku leeyihiin Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Dhacdadan, ayaa laba baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay xerada ciidamada, iyadoo lala beegsaday qorsho joogto ah oo ay ku qoran yihiin ciidamada XDS, si ay gacan uga geystaan ilaalinta nabadda iyo ammaanka dowlad goboleedka Jubaland, iyadoo ciidamada ATMIS ay bilaabeen inay ka baxaan Soomaaliya.
Askarta la qorayo marka la tababaro waxay ka mid noqon doonaan SNA si ay ula dagaallamaan argagixisada Al-Shabaab oo ay kala wareegaan ATMIS-ka iyadoo howlgalka uu wareejinayo mas’uuliyadaha amniga ka hor inta uusan ka bixin sanadka soo socda ee 2024-ka.
Madaxa ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef ayaa yiri “Arrinta qoritaanka waa dadaal lagu dhisayo awoodda ciidamada XDS si ay u fuliyaan weerarada ka dhanka ah argagixisada iyo abuurista xaalado ammaan ah oo dowladnimada iyo horumarka ay xididada u siibaan. Si kastaba ha ahaatee, Al-Shabaab oo ah wakiillada burburinta ma rabaan inay arkaan Soomaaliya oo horumarsan. Dhammaanteen waxaan u baahanahay inaan isbahaysi la sameyno oo aan ka adkaano argagixisada.”
Danjire Souef ayaa ballan qaaday in ATMIS ay ka go’an tahay in ay taageerto dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka si loo dhiso tayada ciidamada Soomaaliya si ay u sugaan ammaanka dalka.
Madaxa ATMIS ayaa sidoo kale bogaadiyay feejignaanta shacabka iyo falkii lagu soo qabtay nin looga shakisan yahay Al-Shabaab oo ku lug lahaa weerarkii bambaano ee 20-kii June 2023 ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya.
Gelinkii dambe ee Talaadadii, weerar laba is qarxin ah oo ka dhacay Bariire oo ay fuliyeen Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhaawacmay dad badan oo rayid ah iyo ciidamada XDS. Eedeysanaha la qabtay ayaa ahaa Mooto Bajaaj watay, kaasi oo u qaaday Is-miidaamiyaha goobta uu weerarku ka dhacay.