Allbanaadir.com
NEWS

Wasaaradda Amniga oo Awaamiir kasoo saartay heesashada hubka sharci darrada ah

Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa awaamiir adag kasoo saartay hubka sharci darrada ah ee aan ka diiwaan gashaneyn wasaaradda aminiga ee magaalada lagu dhax heesto.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga ayaa lagu sheegay in aan la oggolaaneyn in goobaha shaqada, xafiisyada ,goobaha ganacsi iyo gaadiidka dhaxdiisa.

“Muwaadinka xushmadda iyo qaddarinta mudanoow sharcigu kuuma ogolaanayo inaad hub/rasaas ku heysato, hoygaaga, xafiiskaaga shaqada, goobtaada ganacsi ama gaadiidkaaga dhexdiisa” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda amniga.

Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in sharci darro tahay ka ganacsiga, soo dejinta iyo dhoofinta hubka nuucyadiisa kala duwan.

“Hubka iyo rasaastu waa in ay gacan dowladeed oo qura ku jiraan, sidaa awgeed Qofkii, hay’addii ama shirkaddii ka maarmi weysa hub ay u adeegsato in ay isku ilaaliso waxaa ku waajib ah in ay ka diiwaangeliso Wasaaradda Amniga Gudaha” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda amniga kasoo baxay.

 

Related posts

Sabab yaab leh oo loo iibiyey guriga danjiraha Maraykanka u fadhiya Israel

Caydiid Ali

Somaliland oo War kasoo saartay dagaalkii ay ku dhawaaqday Puntland (Akhriso)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo tacsi u diray shacabka dowlad goboleedka Galmudug

Caydiid Ali