Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni iyo Golihiisa Wasiiradda oo ka hadlay Dagaalkii Garawe Digniina diray (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-gurdoomiyey shirka todobaadlaha ah ee golaha Wasiirada oo looga hadlay amniga caasimadda iyo guud ahaan Puntland, arrimaha deegaanka iyo qodobo kale.

Golaha wasiirada Puntland ayaa sheegay in ay ka xunyihiin oo cambaareynayaan dhacdadii ka dhacday Garoowe 20-kii June 2023, Iyagoo ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadaasi, waxaana uu Goluhu caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadka dhaawacmay, golaha Wasiirada ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay in la illaaliyo nabadda , kala danbeynta iyo Dowladnimada cidkasta oo lidi ku ahna meel looga soo wada jeesto Dowlad iyo Shacaba.

Golaha wasiiradda Puntland ayaa sheegay in bilihii u danbeeyay dadaal ku bixinayeen sidii wadahadalo nabadeed loogu dhameyn lahaa arrimaha taagan, welina diyaar ayeey u yahay maamulka.

Ugu danbeyn golaha wasiiradda Puntland ayaa ka digey wax kasta oo keeni kara khalkhal gelin bulsho, sida dadka faafinaya dacayaadka iyo qixinta dadweynaha ku dhaqan magaalada Garawe.

 

 

Related posts

Saldhig ay laheyd Xarakada Al-Shabaab oo cirka laga duqeeyey

Caydiid Ali

Taliska Booliska oo ka hadlay Weerarka Hotel SYL & digniin la siiyey shacabka & Suxufiyiinta

Caydiid Ali

Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Mahdi Guuleed oo Heshiis rasmi ah gaaray (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---