Allbanaadir.com
NEWS

Aktarad caan ah oo Dhawwaan qaadatay Diinta Islamka oo Sannadkan Xajineysa

Boqortooyada Sacuudiga waxaa ku sugan Muslimiin badan oo sannadkan xajinaya, waxaana dadka xajinaya ku jira kuwa diinta Islaamka dhawwaan gal ku ah, kuwaa oo ku qancay macaanida diinta Islaamka .

Haweeney aktarad ah oo bilo kahor qaadatay diinta Islaamka ayaa kamid ah dadka sannadkan xajinaya, waxaana haweeneydan xajka ku wehliya seygeda uu sabab u ahaa in ay diinta Islaamka qaadato.

Mercy Aigbe oo kamid ah gabdhaha jilaayaasha ee caanka ka ah dalka Nigeria  ayaa sannadkan nasiib u yeelatay in ay soo xajiso, billo kaddib markii ilaah qalibigeeda ku hanuuniyay in ay Islaamto.

Gabadhan oo la baxday magaca Meenah ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay in sanandkan joogto dhulka barakeesan ayna kamid tahay muslimiinta nasiibka u yeeshay dadka xajinaya sidoo kale cumreesanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo isku shaandheyn kooban ku sameeyey wasiiro ka tirsan Somaliland (Akhriso)

Caydiid Ali

Maamulka Galmudug oo soo saaray amar ka dhan ah dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed

Cabdi Cade

UN University for Peace Launches MA and PhD Programs

Cabdi Cade
Taboola Ads ---