Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Orodyahan Soomaaliyed oo Guul taariikhi ah ka soo hoyay tartanka Arab Champions (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud wuxuu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa orodyahan Cali Iidow Xassan oo Kaalinta 3aad ka galay tartanka orodka Ciyaaraha Arab Champions ee 1500 oo mitir kaasoo lagu qabtay dalka Morocco.

Wuxuuna isagoo huwan calanka Soomaaliyeed soo hooyay Guul quruxda badan oo wadankeena uu heerkaan oo kale inuu ka gaaro tartankaan ay ugu dambaysay 1985-tii balse markale caawa uu Cali Iidoow Xasan Masraxayada Ciyaaraha Orodada Carabta meel wacan kasoo tiigsaday.

“Hambalyo Cali Iidoow iyo dhamaan Ciyaartooyda Orodka Soomaaliyeed ee buuraha iyo qaboowga ugu tababaranaya siday dalkooda ugu keeni lahaayeen guul” ayuu yiri Wasiirka.

Kaalimaha 1aad iyo 2aad waxaa kala galay Orodyahano u dhashay dalka marti gelinayey tartanka ee Marocco.

Related posts

Booliska DF oo sheegay iney qabteen nin qarax ismiidaamin ah ka fulin rabay Muqdisho

Caydiid Ali

Qarax khasaare sababay oo lagu weeraray kolonyo ay la socdeen Milateriga Kenya

Caydiid Ali

Ciidanka Danab oo howgal ku dilay 20 dagaalyahan & degaano ka tirsan Galgaduud oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---