Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira inuu dalka ka baxsaday Agaasimihii heyadda Socdaalka DF?

Agaasimihii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ee dowlada Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa la xaqiijiyey inuu ka baxsaday dalka ka dib markii uu ka mid noqday madax lagu eedeeyay kiisas musuq-maasuq ah oo maalmahan baaritaano ay ku socdeen

Cabdul oo ay xilkan u magacowday dowladii Farmaajo ayaa waxaa baaris ku hayay hay’adaha amniga dowladda, kadib markii ay Xeer Ilaalinta Qaranka soo jeedisay eed ku aadan wax isdaba marin.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Cabdul uu ka cararay dalka  ka dib markii uu ogaaday in loo jaray waaran lagu soo xirayo, waxaana uu dayuurad ka raacay garoonka Aadan cadde, lamana oga halka uu u baxsaday

Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa ka mid ahaa agaasimeyaasha heyadaha ugu saameynta badan ee ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya, waxaana falka uu ku kacay lama filaan iyo yaab uu ku noqday dad badan oo aqoon u lahaa.

Dhinaca kale, Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Faderaalka lagu amray inuu Col. Cusmaan Xasan Cosoble u magacaabo Sii hayaha Xilka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo dhammaan dhacdooyinkan la xariira, laakiin dhinacyada ayaa kala tabinaya xogo iska soo horjeeda oo dhacdadan ku saleysan.

Waxaa sidaan oo kale dhowaan Muqdisho uga baxsaday Agaasimaha Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Muxiyadiin Xasan Jurus oo gaaray deegaan hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/Dhexe ka dib markii uu ka war helay in loo jaray warqad lagu soo xirayo oo la xiriirta musuqmaasuq lagu soo eedeeyey.

Dowlada Somalia ayaa wada maalmahan olole ballaaran oo ka dhan musuqa hareeyey heyadaha dowlada qaarkood, waxaana haatan xiran saraakiil iyo masuuliyiin kala duwan oo loo heysto musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse oo Midowga Yurub uga mahad celiyey todoba arrimood (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Xasan Shiikh oo khudbad dheer ka jeediyay shirka isbeddelka cimilada Aduunka

Caydiid Ali

Jen. Odowaa oo War ka soo saaray qaraxii Muqdisho & Kenya oo mar kale bilowday..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---