Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay waqtiga uu furmayo ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Kulan ay dhawwaan isugu yimaadeen Magaalada Muqdisho dhammaan gudoomiyayaasha xiriirada kubadda cagta dalka ,Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS iyo Wasiirada wasaaraddaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Maamul goboleedyada ayaa lagu go’aamiyay taariikhda uu bilaaban doono Tartanka Ciyaaraha kubada cagta Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaasoo lagu beegay Maalin Jimco ah Tariikhdu tahay 08-09-2023.
Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhallinyarada ayaa sheegtay inta laga gaarayo waqtigaas in laga doonayo Ciyaartooyda iyo maamulada ka qayb gali doona tartankaas inay sii diyaar garoobaan.
Tartankan ayaan la ogeyn in sannadkan ka qeyb geli doonaan maamulka Puntlad oo horey u diiday ka qeyb galka shirarka iyo howlaha ay wado dowladda federaalka kaddib khilaaf labada dhinac soo kala dhax galay.