Qaraxyo xooggan oo ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday xero ciidan oo kutaalla degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana qaraxyada kaddib laga maqlay rasaas aad u xooggan iyo qaraxyo kale.
Sida aan wararka ku helnay labo gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay xerada ciidanka ADC ee degmada Baardheere, halkaas ay degan yihiin ciidamo katirsan ATMIS gaar ahaan kuwa IToobiya ka socda iyo ciidamo katirsan DF.
Xerada weerarka lagu qaaday ayaa la sheegay in ay ku xareesnaayeen ciidamo cusub oo loo tababarayay in ay Al Shabaab ka xureeyaan deegaannada maamulka Jubbaland ,gaar ahaan gobolka Jubada Dhaxe oo Al Shabaab gabi ahaan maamulaan.
Waxii warar ah ee kusoo kordha weerarkan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah